Afrika
qaaradda / From Wikipedia, the free encyclopedia
Afrika (Af Ingiriis : Africa; Af Carabi: أفريقيا) waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²)[2] tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.3 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.
Baaxada | 30,221,532 km2 (11,668,599 sq mi), 2aad |
---|---|
Dadka | 1.1 bilyan[1] (2013, 2aad) |
Miisaanka Dadka | 36.4/km2 (94/sq mi) |
Magaca | Afrikan |
Wadanada | 51 (iyo 4 buuq ka taagan yahay) |
Ku tiirsan | External (3)
Internal (4)
|
Luuqadaha | 1250-3000 luuqadood |
Wakhtiyada | UTC-1 ilaa UTC+4 |
Caasimad ugu Wayn | Caasimadaha ugu waaweyn qaarada Afrika Algiers-Tunis Qaahiro Kambaala Khartuum-Omdurman Niamey Abuja-Lagos Abidjan Injamiina Dakar Dar es Salaam Mabuto Johannesburg Windhoek Freetown Kinshasa Ouagadougou Addis Abeba Luanda Nayroobi Addis Abeba Kab town-Pretoria` |
Qarnigii 19aad ayaa wadamada reer Yurub go'aan ku gaadhay gumeysashada Afrika. Dawladda kaliya ee xor ahaa waqtiga halgankaas waa dawladda Diiriye Guure ee abaanduulkii guud ka ahaa Ismaaciil Mire.