Biyaano
Nooc ka mid ah qalabka muusiga / From Wikipedia, the free encyclopedia
Biyaano (Af Ingiriis : Piano; Af Carabi : ar) (loogu dhawaaqo ˈpjaːno; waa ereyga pianoforte oo la soo gaabiyay, loogu dhawaaqaa pjanoˈfɔrt) waa nooc ka mid ah qalabka muusiga taasi oo leh muusig lagu duubay, kuwo diyaar ah, iyo faro badan oo la garaaco (taabto) si ay shanqadh u sameeyso. Biyaanada Waxaa loo garaacaa si loogu qurxiyo iyo macaaneeyo dhadhanka hees, gabay iyo ereyo loogu talogalay in dad lagu madadaaliyo.
Shanqadha laxanka | 314.122-4-8 (Qalab leh faro la taabto kaasi oo cod iyo shanqadh sameeya) |
---|---|
Asalka | Bartolomeo Cristofori |
Maanta laga isticmaalo | Dhamaan caalamka |
Heerka Codka Shanqadha | |
Biyaanadu waa qalab muusig taasi oo leh faro la taabto si ay u samayso cod muusiko.[1] Sida caadiga ah waxaa biyaanada loo isticmaala heesaha qaraamiga, kalaasiga iyo jaaska kuwaasi ooy u sameyso dhadhan la jaanqaadaya heesta. Sidoo kale, biyaanadu waxay ka mid tahay qalabka ugu qaalisan agabka muusiga, waxayna inta badan leedahay miisaan culus.
Biyaanadu waxay ka samaysan tahay qolof sare oo alwaax ah, xadhko bir ah, iyo tiro badan oo faro madoow iyo cadaan iskugu jira.[2]
Biyaanada waxaa alifey nin u dhashay wadanka Talyaaniga[3] oo magaciisa la odhan jirey Bartolomeo Cristofori.[4]