Cunto
From Wikipedia, the free encyclopedia
Cunto, Raashin (Af Carabi : arā; Af Ingiriis : food) waa shay kasta oo la quuto si looga helo nafaqo iyo awood jidhka nooluhu u baahan yahay si uu u sii noolado. Cuntadu waa walax nooluhu quutaan[1] taasi oo unugyada jidhka siisa tamar ay ku shaqeeyaan. Sida caadi ah cuntada waxaa laga helaa dhirta ama xayawaanka (ama labadoodaba); waxayna ka kooban tahay nafaqo, sida duxda (baruur), borotiin, fiitamiin, macdano iyo noocyo kale oo nafaqo ah kuwaasi oo taageera isla markaana tamar uu ku socdo siiya xubnaha jidhka. Walxaha cuntada waxa inta ugu badan laga qaataa afka waxayna tegtaa caloosha halkaasi oo unugyada jidhku u sii kala jebiyaan walxo yaryar, isla markaana loo isticmaalo awood ahaan, si noloshu u sii jirto.
- Bogani wuxuu ka hadlayaa guud ahaan cuntada. Boga "Raashin" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Sida badan, cuntada waxaa laga helaa khayraadka dabiiciga ah ee oogada dhulka, taas oo inta ugu badan ka timaada midhaha iyo xubnaha kala duwan ee dhirta. Sidoo kale, cuntada waxaa keenaa jidhka noole kale. Sida taariikhdu xustay, wakhtiyadii hore dadku waxay cuntada ku heli jireen ugaadhsi iyo qadhaabsi, maantase waxaa taas sadexeeysay waa wax-beerasho.
Amniga iyo nadaafada cuntada waxaa dabagal ku sameeya hay'adaha eey ka mid yihiin International Association for Food Protection, World Resources Institute, Programma Alimentare Mondiale, Organizzazione delle Nazioni Unite per l'Alimentazione e l'Agricoltura, iyo International Food Information Council, kuwaas oo wax ka sheega helitaanka cuntada, nafaqada cuntada, noocyada cuntada, koritaanka bulshooyinka, dhaqaalaha & cuntada iyo helitaanka biyaha. Dunida maanta waxaa la isku afgartey in dhamaan aadamuhu xaq u leeyahay helitaanka cuntada iyo cabitaanka biyo.