Phoenix, Arizona
From Wikipedia, the free encyclopedia
Fiiniks, Phoenix ( / nɪks/ ) waa magaalo-madaxda, iyo caasimada ugu weyn gobolka Arizona ee wadanka Maraykanka. Fiiniks waxay leedahay bulsho dhan 1,445,632 (sida lagu ogaaday tirokoob dowladu qaaday sanadkii 2010ka). Caasimada Fiiniks waa magaalo-madaxda ugu shacabka badan dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka. Sidoo kale waa magaalad 6aad ee ugu dadka badan tirada deegaanada wadanka.[4]
- Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Fiiniks, Arizona ee dalka Maraykanka.
Phoenix, Arizona | |
---|---|
Caasimada Fiiniks | |
Kor, bidix ilaa midig: Beerta Papago Park wakhti qorax dhac ah, St. Mary's Basilica (Phoenix), Farasmagaalka Phoenix, Dhismayaasha dhaadheer ee Phoenix wakhti habeen ah, Xarunta Sayniska Arizona, Aqalka Rosson, Tareenka fudud ee Metro Light Rail, geedka Tiinka saguaro, iyo buurta McDowell Mountains | |
Nickname(s): "Dooxadii Qoraxda", "Doox" | |
Wadanka | Maraykanka |
Gobolka | Arizona |
Degmo | Maricopa |
La degay | 1867 |
Dowlad Hoose | Febraayo 5, 1881 |
Dowlada | |
• Nuuca | Maamulka Golaha |
• Body | Golaha Caasimada Fiiniks |
• Duqa-magaalada | Greg Stanton |
Area | 517.948 sq mi (1,341.48 km2) |
• Land | 516.704 sq mi (1,338.26 km2) |
• Water | 1.244 sq mi (3.22 km2) |
• Metro | 14,565.76 sq mi (37,725.1 km2) |
Joogga | 1,086 ft (331 m) |
Tirada dadka | |
• City | 1,445,632 |
• Estimate (2014)[3] | 1,537,058 |
• Rank | US: 6aad |
• Cufnaanta dadka | 2,967.59/sq mi (1,145.79/km2) |
• Urban | 3,629,114 (US: 12aad) |
• Metro | 4,489,109 (US: 12aad) |
• Bulshada | Phoenician |
Aag saacadeed | UTC−7 (MST) |
• Xagaa (DST) | UTC−7 (ma laha saacada lagu daro maalintii) |
ZIP kodh | 85001–85099 |
Furaha | Area kode 480, 602, iyo 623 |
FIPS kode | 04 |
Astaanta GNIS | 44784, 2411414 |
Gego Diyaarad | Gegada Diyaardaha Fiiniks – PHX (Kan ugu weyn/Caalami) |
Website | www.phoenix.gov |
Waxaa intaas dheer, caasimada Fiiniks waa saldhiga Phoenix Metropoitan Area, oo sidoo kale lagu magacaabo "Dooxada Qoraxda", midaasi oo iyadna ka tirsan Dooxada Webiga Salt. Marka laga hadlayo Phoenix iyo degaanda hoos yimaada waa mida 13aad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka, taasi oo leh bulsho dhan 4.3 milyan dad ah (sida lagu ogaaday tirokoobtii sanadkii 2010ka).[5][6] Caasimada Fiiniks waxaa intaas u dheer ineey tahay fadhiga dowlada Degmada Marikoba, iyo mid ka mid ah deegaanda ugu baxada balaadhan wadanka Maraykanka.[7]
Magaalada waxaa markii ugu horeeysay soo degay sanadkii 1867 dad beeroleey ah, kuwaasi oo soo jiiteen webiga Salt, webiga Gila iyo dooxaha dhaca agagaarka magaalada Fiiniks. Waxaa magaalo rasmi ah loogu dhawaaqay sanadkii 1881.[8]
Caasimada Fiiniks waxay dhacdaa waqooyibari Lamadegaanka Sonoran, kaasi oo leh cimilo qalalan oo la mid ah tan deegaanada ka baxsan dhul-badhaha. Iyadoo taasi jirta ayaa hadana waxaa deegaanka Fiiniks leeyahay nidaamyo beero waaweyn oo soo saara khudaar, cudbi, suuf iyo midho badan ooy kuba tiirsan tahay magaalada Fiiniks iyo nawaaxigeedu.[9][10]
Dagaalkii Labaad ee Aduunka wixii ka horeeyay dhaqaalaha magaaldan Fiiniks wuxuu aad ugu tiirsanaa beerida iyo soosaarida cudbiga, lo'da, Naxaasta iyo khudaarta, taasi oo taagertay bulshada gobolka tan iyo aasaaskii caasimada.