Dhir
From Wikipedia, the free encyclopedia
Dhir (Af Ingiriis : plant; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan.
Dhir | |
---|---|
Kala soocida cilmiga ah | |
Xukun: | Eukaryota |
(darajo la'aan): | Diaphoretickes Archaeplastida |
Boqortooyo: | Plantae |
Sidoo kale eeg | |
|
Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub. Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha.
Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahay dunidan aan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka. Intaas waxaa dheer in dhirtu soo saarto midho, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin.
Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka. Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.
Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada (photosynthesis).
Geeduhu waxay u baahan yihiin ileys (inta badan ileyska dabiiciga ah ee qoraxda), biyo ay xididadu ka soo nuugaan dhulka iyo hawo - gaar ahaan kaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.
Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha dhirta, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin hawo ah oo caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.
Qaacidada Habka Samayska Cuntada ee dhirtu waa sidan:
2n CO2 + 2n DH2 + Ileyska Qoraxda → 2(CH2O)n + 2n DO
Kaarboon-labo-ogsaydh + deeq elektaron + awooda iftiinka → Kaarbohaydarate + deeq elektaron ogsajiin
Habkan cunto samayska dhirtu wuxuu dhacaa wakhtiga maalintii sababtoo ah iftiinka falaadhaha qoraxda waa lagama maarmaan. Sidoo kale, habkani waxaa lagu sameeyn karaa nidaam loo yaqaano greenhouse oo iftiin fiican siin kara geedka. Habka samayska cuntada dhirta waa deeqaha koowaad ee Ogsajiinta ku dara hawoda. Markasta oo geedku cunto sameeysto Ogsajiin ayuu sii daayaa taasi oo dadka iyo xayawaanku neefsadaan.