Ilig
From Wikipedia, the free encyclopedia
Ilig wadar ahaan loo yaqaano Ilko (Af Carabi : ar Af-Taliyaani : dente Af Ingiriis : tooth Amxaari: ጥርስ) waa laf cad, adag oo afka dadka, xoolaha iyo in badan oo xayawaanka ku dhex taala.
Ilkahu waxay ka soo baxaan ciridka ku dhex yaala afka. Ilkaha balaadhan ee dhumucda wayn waxaa loo yaqaanaa Gowso, halka miciyuhu yihiin kuwo dhaadheer oo fiiqan. Afarta ilig ee hore ee dhabanka sare ku yaala waxaa lagu magacaabaa 4ta fool.
Shaqada ilkuhu waa ineey burburiyaan iyo jajabiyaan walxaha afka soo dhexgala sida cuntada iyo ineey qaab u sameeyaan dhabanada.
Qofka qaangaadhka ah wuxuu leeyahay 32 ilig oo u kala baxa, 20 gows, 4 mici iyo 8 ilig. Sidoo kale, ilkuhu waxay ku kala yaalaan daanka sare - oo leh 16 ilig - iyo daanka hoose oo leh 16 ilig.
Si ka duwan dadka, xayawaanku wuxuu leeyahay ilko af badan oo aad u fiiqan, kuwaas oo si fudud wax u kala jari kara. Xayawaanaadka bada, sida Libaaxbadeedku wuxuu leeyahay ilko miinshaar ah.